VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hal qura nahay cover - Lyrics

Waa sheeko hodaneey Waa sheeko hodaneey Aan ka jaro higaagee Haloow haloow Nafbaa ku haybinaysee Kuu hamuun qabtee haloow 2x Sida heego rooboo Hilimadeeda xaliniyoo Inta uu nugaal helay Haradii biyeeyoo Mudo mudo badan ku hoorey 2x Dhirtu dhirtu ka haqab beeshoo Ubaxii ka hagac yidhi Loo wada hanweyn yahay 2x Markaan helo warkaagay Naftuu hiyi kacdaayoo Farxad ku hambalyeeyaa 2x Hoodiyo ayaaniyo ayaaniyo Calaf ha isku keen simo Calaf calaf ha isku keen simo 2x Ragu kala haboonee Halyayada wakhtiga kacay Kii ugu horeeyee Naftu naftuu ku hiranaysoow 2x Sida hanad aan dhalaybaad Himiladaada wacan iyo Horumarkaaga jecelahay 2x Oo aan hurgumadiyo Halista halista kaaga dhowro Oo aan hurgumadiyo Halista halista kaaga dhowro Markaan helo warkaagay Naftuu hiyi kacdaayoo Farxad ku hambalyeeyaa 2x Hal qudhaynu nahayoo Kama hadhi karaayee Hoodiyo ayaaniyo Calaf ha isku keen simo 3x
Queue is empty
-- / --