inkastoon gu'yaal
garabkaaga taagnaa
sow garaadku ima odhan
caashaqbaa ka guur

adigoo gafaad
ii garaab i leedahay
anoo kuu go'aad
hadba galinba cayn tahay
anoo guur u jeedaad
adna gaabsi jeceshay

ha i gayn huteelada
ha i galaafanoo
ha i seejin gabadhnimo
markaad iga gun gaadhana
durba gooso ha i odhan

inta gabadh xishood
edeb lagu galadayee
guur waydayee
ragu galaafka baday

idinkaa gafiyo
waxaad gaysataan
ama aad gudaan
marna kama garaabine
dhaqan guurku idinkuu
ragow gaar idiin helay

Exit mobile version