xornimo sumadlaa wanaaga sidoo
sadkii midnimaa sareedoo dhale
salka dhigay samaa qarankuye

ALLOW u siyaadi nabada suganoo
barwaaqo ku soor soomaaliland

dhaaxaan ku sugnaa qurbaha sanadoo
runtaba ka sal kacay hankii i sitee

hadaan sooliyo sanaag tayoo
dhaayaha saaray tog dheer subaxoo
mawluhu igu simay sabadii barbara
way hargaysoo siraada waan sugayee
miyaan sow iyo sintii boorama
ubaxyo ku salaamaya sidood

walee kuma siistee saami kalee
sudhnow calanyahaw dushaa sare oo
saree abid wanaaga sidoo

roobkii salaliyo oodwayne sinaa
ilaa subaxiyo saqdhexe da'ayee
sare iyo gobonimo buuhoodle sitiyo
neecow saxansaxo sadbay u lahayd
dhuuxi saldhigtay sareer iyo hawd
saraca ka qotaa sareedo qabee
ALLAHA saatiri gabilay lama simin
cakuye saxariyo dhul siigo le

Exit mobile version