qasab maaha jacayle
qudhaydaa wax danaysa
waxna aan u qalmayne
mid qudhaan ifka doortay

qawlkiisaan ku ladaayee
walaw uu qodqodaayo
qalbi ruux ku noolyay
wax ma qaado namiimku

labadii wada qaada
nolol qaybsi aduunka
libintooda qorsheeya
huurka maa laga qaado

qasdibaa la socdaaye
qalbiga waxna diida
waxna qaadan karaaye
qofbaan laabta u dayray

mar hadii la qorsheeyo
kalgacayl la quweeyo
qoroxdaa taagan dusheeda
daruurtaan mursal qarinayn
daruurtaan jacaylka qarinayn

Exit mobile version