qabiil mayaqaano dookhu
illeyn ma qarsoomo caashaq
qabiil mayaqaan dookhu
qosol guudkey gartaaye
qalbiga hanti kuuma geyso
qaloocu wanaag ma keeno
qofkaad kalgaceyl uqaado
inaad qancisaa muhiime
waxaad ku qortaa xiskaaga
jaceyl qasab kuma hagaago
ogow waad iskeentay kownka
qadarku isku diidi maayo
qudhana labadii wadaaga
haday kala qarad nagaano
qoraalka allaa mideeya
ileen ma qadaayo daacad
xishoodbaa qurux keena
qadarin laga maarmi maayo
kalsoonidu waa quluubtee
dulqaadku qilaad makeeno
iyaa asliimaa idhowrta
dartii samir waan uqaatey
haday gobonimo qaldoonto
inaan cafiyaan qorshaystey

Exit mobile version