inkastoon gu'yaal
garabkaaga taagnaa
sow garaadku ima odhan
caashaqaba ka guur

adigood gafaad
ii garaab i leedahay
anoo kuu go'aad
hadba galinba cayntay
anoo guur u jeedaad
adna gaabsi jaeceshay
ninkow gaabsi jeceshay

ha i gayn huteelada
ha i glaafanoo
ha i seejin gabadhnimo
markaad iga gun gaadhana
hadba gooso ha i odhan

inta gabadh xishood
edeb lagu galadayee
guur waydayee
ragu gabaa fara badan

idinkaa gafiyo
waxaad gaysataan
ama aad gudaan
marna kama garaabine
dhaqan guurku idinkuu
ragow gaar idiin helay

Exit mobile version