miyaan kaa maqnaan karaa
niyadu meelan ahayn
agtaada ku miirsata

miyaan kaa libiqsada
miyaa dhaayahu marqudha
muuqaaga ka joogayan

miyaan muhashada dareen
nafta ka maarmayaa

qalbiga meeshan ku xidhay
miyuu ka nagaan karaa

marlay sida ruux yahay
hadaan mid kale u noqon
miyay wada maalayaan
kalgacal wada muudsadaan

waayel mawraanku waa xubiga
maamuus hirgalaa
sideenana miyay jacayl
kalgacayl wada muudsadaan

Exit mobile version