Waxad tahay mudanahay
Gii masuulkii jacaylkiyo
Mahuraankii qalbigiyo
Mahadhada naftaydee
X2

Kuu muhatay laabta oo
Adigaa ku majiirtayoo
Raga kaa dhex miidhoo
Milgaan kugu raacay
X2

Mu'min iyo waxad tahay
Muslinimo kudheer taho
Maankiyo naftay dubaa
Ka maqsuuday aniguye
X2

Mowle waxan ka bary–
Ayaa guri lagu nagado
Wacan ubax meesha
Guran iyo maquun iyo
Aroos keena x2

Waxad tahay qof masul–
Oo maankiisa iyo caqliga
Eebe miisaamayo miskax
Loogu deeqee x2

Hadhkii milicda iimaciin
Adigaan ku moodayoo
Sida geel u ololee mar
Horaan ku raacay x2

Waxad tahay qof magac
Loo midigtisu furan tahoo
Miskiin iyo nin liitaba u
Maciinsha siiyee x2

Mowle waxan ka bary–
Ayaa guri lagu nagado
Wacan ubax meesha
Guran iyo maquun iyo
Aroos keena x2

Exit mobile version