horaan naxli uga tagoo
ma naaquso cashaqii
dhibtanan nugul baan u ahay
wadnahana adiga ku nabanoo

horaan nidar ugu maroo
nasteex kuu heelaniyo
qalbigu waa ku nadiif
nin daacado adi ku jecel

sidaanan u nuuxsanayn
la,aantaa u neefsanayn
sidaan naafada u ahay
intaan wada nacay dadkii
miyaan naaanays la baxay
2x

sidii cunto nafaqa laa
quudki noloshayda tooo
nasiib aan kugu heliyo
adaa naawila aduun

naftaad wehel u tahoo
adaa niyayadayda dagay
naq iyo waxaa tahay ugbaad
midaan ku nastoo haboon

sidaanan u nuuxsannayn
la,aantaa u neefsanayn
sidaan naafada u ahay
intaan wada nacay dadkii
miyaan naanays la baxay
2x

Exit mobile version