nafta qayb adaa loo
qudha ila wadaagoo
ilma waad u qalantaa
inaan adiga kuu qubo
dhibna kuma quudhoo
saw qumaati kaligaa
qalbigayga maad noqon
qof hantoo ku qaaliya
adoo raas qabaw iyo
qorma nabada ila dagin
oonanba jacaylba ila qaban
noloshayda quruxxda leh
la,aantaa qabyay noqon

is qadarinta aadmigu
noloshay u tahay qurux
talo kaa qaloocdana
waxa dilay qoorshiii hore
hadii aan nafqaybsiga
runta lagu qotominoo
la isku qabin kalsoonina
qimo ma laha caashaqu
adoo raas qabaw iyo
qorma nabada ila dagin
oonanba jacaylba ila qaban
noloshayda quruxxda leh
la,aantaa qabyay noqon

Exit mobile version