ilayn jaba waa qofkaagoo
markuu kaa jiro dhul dheere
waqtina idin kala hor joogo

intuu jid inoo furmaayo
jawiga adag laga baxaayoo
jidee samirkiyo dulqaadka
jaanisku wuu imanayaaye

qalbiga jagadaad ku leeday
ma jiro ruux heli karaaye
xusuusta ku jooji laabta
niyada aan ka wada joogno
niya aan mursalow aan ka wada joogno

ilayn jidhka ruux tabaaya
dareenkana jiidanaaya
ma jiibsado aawadiiye
halkuu jiro yaa i geeya

naftii hilow joogi wayday
hamuuntuna jeer ma dayso
jacaylkuna uma tudhaayee
JALIIL ha isu kaaya keeno

Exit mobile version