Ruuxaan kaa quusan la’
Habeenki kugu qarwo
Qumaati u seexan karin
Qalbigaa nabar oogaya

Qeyrka kaa doortayo
Qiyaas li’i adi ku jecel
Qadarin kuu heysaba
Qaadirka igu beeray anige

Intanay gelin qabriga ee
Aan loo qodin xabaal
Qudheyda badbaadi oo
Macaanow xabibii
Qalbiyow wax ila qabo

2
Nafu galay caashaqu
Intu quudkii ka jaray
Ilmadu weli qubaneyso
Jaceylkuna kugu qabiray

Dhaaxaan qaxar soo maro
Dhib baan kaligey qabay
Nolosha ila qeybso oo
Qoys iyo reer ila yagleel

Intanay galin qabriga ee
Aan loo qodin xabaal
Qudheyda badbaadi oo
Macaanow Xabiibi
Qalbiyow wax ila qabo …

W.Q Fadumo Q.M

Exit mobile version