Maxaan seexan waayoo
Saqda dhexe habeenkii
Nafta kugu sasabayoo

Maxaan saamaleeloo
Ilintaa iga socotaa
Sacabada ku hoorshoo
U saxriiray aragaa

Sida anigu kuu ahay
Sidaad adigu ii tahay
Isku sahanba maahee
Siday noqon alaa oge alaa oge
Samirbaan dugsanayaa
Siday noqon alaa oge alaa oge
Samirbaan dugsanayaa

Dhaaxaan ku sugayoo
U dadaal ilaahayoow
Adaan kugu sawiyayee

Hadaad gacan sarayso
Jacaylkani adigu sido
Bilow adi ku saaqoo
Sahandambena ku sii ceshaa

Sidaan anigu kuu ahay
Sidaad adigu ii tahay
Isku sahanba maahee
Siday noqon alaa oge alaa oge
Samirbaan dugsanayaa
Siday noqon alaa oge alaa oge
Samirbaan dugsanayaa

Exit mobile version