jacaylki dhabii ma dheelmado
markuu laba dhexyaal sideena
dhantaal mudan maayo
dhismiyo reer buu noqdaa

keenuna dhaxal buu yahee
dhankayga ku waynidaa
dhigaa ku dhega nuglee
naftayda ku dheeridaa

hadaan dhoofay kaamaan tegin
qalbigu wuu kuu dhawyahoo
aduu kuu dheeliyee
sidoon kula joogo dhawr

jacaylkaa dhexdeena yaal
hadaan miisaan u dhigo
ma arag wax ku dherersadee
dhirtiyo geedaha ka badan

hadii bada loo dhurana
inuu u dhigmaan qabaa
dhamaad ma lahoo marnaba
cishqigu dheeftayda weeyaan

hadaan dhoofay kaamaan tegin
qalbigu wuu kuu dhawyahoo
aduu kuu dheeliyee
sidoon kula joogo dhawr

Exit mobile version