Somaalidu ha maqashee
Hadaad saamigaygiyo
Saygaygii noqon lahayd
Noloshu way sugnaan
Lahayd qayrkay usidan
Lahaa x2

Sanku neefle adigaan
Sida yaasha dhiigiyo
Sambabadiyo beerkaa
Saldhig kaga dhigi
Lahaa x2

Saxariir ku gaadhiyo
Silic maadan aragteen
Saxar kuguma duuleen
X2

Waxaan saatir kuu qorin
Sixun looma doonoo calaf
Lama saluugee sidii roon
Alahayow x2

Aniguba sidaadaan
Hadaad sowjadaydiyo
Sidigtaydii noqon lahayd
Sumcad aan dhamaan
Baan sumad kaaga dhigi
Lahaa x2

Dabadeed sidii boqor
Soo dhaween dadkoo
Idil sacab ka ugaraacoo
Sara kacaan ku oran
Lahaa x2

Salaantii islaamkaan
Maalintii sagaal goor
Seetahay ku oran lahaa
X2

Waxaan saatir kuu qorin
Sixun looma doonoo calaf
Lama saluugee rabi haysku
Keen simo x2

Saldanada aduunyada
Mida ugu saraysaan
Wiil yahow ku siin laaa
Ubax siinad wacan baan
Qoortaada suri laa x2

Samirkii ayuubaan kaa
Siin lahaa qayb yuusuf
Suuradiisana waan kugu
Sifeen lahaa x2

Hadalkii sariigmana
Afka sooma mariyeen
Sahal kuuma idhaahden
X2

Waxaan saatir kuu qorin
Sixun looma doonoo calaf
Lama saluugee sidii roon
Alahayow x2

Sida wali siraataan kuu
Siyaaran lahaayoo sida
Sabi dhalaanaan wax
Kastood samaysaba
Saamax aan ku oran
Lahaa x2

Indho belo masaarteen
Sowt xun maadan maqa-
Sheen heegada sareetiyo
Samadaan ku geen lahaa
X2

Sidoodaba hablaha kale
Kulamaan simeenoo
Waad iga sokeen lahayd
X2

Waxaan saatir kuu qorin
Sixun looma doonoo calaf
Lama saluugee sidii roon
Alahayow x2

Exit mobile version