Daruuraha cirkoo show
soo shubey aroornimo
dabeyluhu shanqariyeen
sharaxleeyihiin doogii
shishe qofaad u jeceshahay
sheedha ma iska eegteen
iyo shuqulka caashaqa
baahida ku showrten
idinkoon wax sheeleyn
sheedhanaba kaba dhigin
sharacalee xishood jira
waa shax laba gayaanee
siyar maw shushubiteen.

Shido habeen adoo ladey
sharka iyo waxyeeliyo
iska naaray sheydaan
shareeryaha ma furateen
waxaad shaamareertiyo
shoogii kalgacalkee
xidigaha la shawrtaba
maka qaadey shaacii
idinkoon wax sheeleyn
sheedhanaba kaba dhigin
sharacalee xishood jira
waa shax laba gayaanee
siyar maw shushubiteen.

Shisha qof is taqineen
adigoo shida u qabay
jaceylka ku shidaye
shalay aad heshiiseen
waxaad shaamareertiyo
shoogii kalgacalkee
xidigaha la showrtaba
ma ka qaaday shaaci
idinkoon wax sheeleyn
sheedhanaba kaba dhigin
sharacalee xishood jira
waa shax laba gayaanee
siyar maw shushubiteen.

Exit mobile version