soo dadaal iisoo dadaal deeqday maankee
daadehee daadehe kalgacaylkoo daadehee

jacayl dahaba oo gala diwaanka taariikhda
danbena duruuso reeba oo dalkeeniyo
dunida gaadha
weedhii ku damaqdaa I diiqad galisoo
dibnuhu ma karaan eray aad diido
dareen lahayn aan ku diirinayn

soo dadaal isoo dadaal deeqday maankee
daadehee daadehee kalgacaylkoo daadehe

daryeel adigaa sudhay sudhay dushayda
ducaysantaydaay dookhaa ku raacoo
sidii dayaxaan ku daawanaayaa
daymada aragaad dabiib u tahayoo
door roonahaygoow waad I deeqdee
markaan ku doortaan darajo yeeshay

Exit mobile version