Dareenka caashaqaa
Aduu igu kaa daroo
God nool ku dhex duugantoo
Qalbigaad qalbigaad
Dawadiisa tahay

Indhahaygu daymada
Raga dunida oo idil
Dadaal adiga mooyee
Ruux kale ma doonan
Adaan kugu ducaystaa

Nafta kuu daacadee
Aduun kuu il daran
U soo dabac
U soo dabac wiilyohoow
U soo dabac
U soo dabac wiilyohoow

Danyaal iga daa hadalka
Jidhkaa iga dabiibayoo
Halbawlaha deeqayoo
Adaan adaan ku dugaashadaa

Daa'inkaan baryaayaa
Degaan inaan wada ahaanoo
Lugtaa iigu kaa xidhanee
Daryeelkaygii noqotee
Nimcada kaalay daadihi

Nafta kuu daacadee
Aduun kuu il daran
U soo dabac
U soo dabac wiilyohoow
U soo dabac
U soo dabac wiilyohoow

Exit mobile version