xasuus igu maqnaydiyo
qalbi kuu xidhnaabaa
xadantoonayaa
xigsiimo lagdadayoo
xuuxdii kalgacalkana
kuu xiiso dhaafoo adiga
indhuhuna xagaagay
intaa kuu xaglinayaan wali

xubi iyo jacaylbaa
la xanuusanayaayo
xubnahayga jiidhkiyo
inta xubin dhaqaaqdaba
ayaad xayndaab ku tahayo
waad i xiiso galisayee

xalaybaan saqdii dhexe
xajin waayay gogoshoo
kaligay xisaabtamay
xag kastaba markaan dayay

xiisaha dareenkuna
in xagayga uu jiro
xaaladaydu xad dhaaf aniga
igu tahay imikaan xaqiiqsaday

Exit mobile version