Xurmaan wali kuu hayaa
Jacaylkaan xushmaynayaa
Xaqiisaan dhawrayaaye

Xantaan ka ilaaliyaa
Xumaantaan u diidayaa
Aayadaha xijaabkaan
Xirsi uga dhigayaa

Xasuustii kalgacalkaa
Xabiibi dhankayga
Wali waan xajinayaa

Xilkaagiyo aqoontaan
Dunida kaaga xushoo
Xiskaan kugu qoree

Wadnahaan xariir kuu dhigaa
Naftaad xiisaha kalgacal
Xaqiiqdii ku beertoo
Xubin iga midaad tahee

Exit mobile version