alleyl iyo dharaar
aqalkooda kaan
ku ag meerayoow
kolka an arkaba
sida ubax qurxoon
kaan u eegayow
adiguu qalbigu
sida ila biyo leh
kuu oomanyee
kenaa wadaag
iilka laygu ridin
oo adi dartaa
aakhiro u tagin
iisoo dhawoow

arimada jacayl
midkii aan inbadan
uurka ugu sidoow
kii uu wadnuhu
sida ara geel
u ololayoow
adigay naftani
ku arkootayoo
ogol kuu tahee
intaan aawadaa
iilka laygu ridin
oon adi dartaa
aakhiro u tagine
iisoo dhawoow

Exit mobile version