in kastoon dhibane ahay
dhulkiisii ka soo qaxay
muda dheer horteedoo
dhidig ahay la daayacay

ama saami kala dhigan
afar dhiic shan aan jiree
lagu dhacay xaqeedii
sharaftaan dhur sugayiyo
misna dawladeenii

xildhibaanka dhaartiyo
madaxdii dalkaygaay
khilaafyada dhankaygiyo
joojiya dhaliilaha
waa dhabar jabkeenee

dhiila maahan oo waa nabad
dhawaaqayga heestuye
waa dhiiri galinoo
dhita weeyi maansadu

ruuxii dhagala oow maqal
dheeman weeyi ciiduye
dheeftii xornimadiyo
qarankii mar dheeliyay
maanta wuu dhaqaaqaye

Exit mobile version