Risoo astiisa cashaqa
Wadnahay rushaysoo
Rugba qaadi waayee
X2

Rajadii naftaydow
Roob soo da'aayiyo
Reexaan udgoonow
X2

Rasmigeeda nololed
Rafaad lahaynoo rabi
Ha ina siiyee x2

Maxamadow rafiiq-
Naye raaxayso abid
Kaa ii raaxayso x2

Raxmad eebe keniyo
Raaxadii aduunkaay
Nafta tii uroonayd
X2

Rucub miro bisladiyo
Ubax rays ku yaalaay
Sida raari dooglaay
X2

Rasmigeeda nololed
Rafaad lahaynoo rabi
Ha ina siiyee x2

Raxmoy rafiiqnaye
Raaxayso waligaa ii
Raaxayso x2

Ra'yigaaga wacan iyo
Reen reenta farxaded
Qalbigaa ku reestee
X2

Ubaxii ragoo idil aan
Ka doortiyo rugtaa
Beerka kuyaalee x2

Rasmigeeda nololed
Rafaad lahaynoo rabi
Ha ina siiyee x2

Maxamadow rafiiq-
Naye raaxayso abid
Kaa ii raaxayso x2

Raaliyadii hawenkaay
Ramad dhalay sidiisii
Raansiga jaleecada
X2

Anba ragadka cashaqa
Mudo ihaleelyoo laabta
Laaabtaa iruxmaysoo
X2

Rasmigeeda nololed
Rafaad lahaynoo rabi
Ha ina siiyee x2

Raxmoy rafiiqnaye
Raaxayso waligaa ii
Raaxayso x2

Exit mobile version