Jiilaal onkoday iyo
Jibintoo dhacaysa
Jugta lagu ogaadaa
Sidii ina jaadeerbaa

Jiilaal onkoday iyo
Jibintoo dhacaysa
Jugta lagu ogaadaa
Sidii ina jaadeerbaa

Xalay jalaladkaygii
Laga jiifsan waayee
Maad ila jibaadaan
Ama jidhiidhicootaan

Xalay jalaladkaygii
Laga jiifsan waayee
Maad ila jibaadaan
Ama jidhiidhicootaan
Ama wax ila jamataan
Markii la igu kiin diray

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Adoo jidii cidla yaal
Oo jamal cadaawoo
Hadhka kuuma jiidee
Jidin iyo hangool iyo

Adoo jidii cidla yaal
Oo jamal cadaawoo
Hadhka kuuma jiidee
Jidin iyo hangool iyo

Dadka jaadka cunayaa
Igu jalo quutee
Maxaa la ii jikaaraa
Ama la ii jirabayaa

Dadka jaadka cunayaa
Igu jalo quutee
Maxaa la ii jikaaraa
Ama la ii jirabayaa
Ama la iiga jarayaa
Ma geed jiicaban ahay

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Waa jawharadoodoo
Indho waxay u jeelaan
Iyagaa jaleecdee
Kolkay jiilka waabari

Waa jawharadoodoo
Indho waxay u jeelaan
Iyagaa jaleecdee
Kolkay jiilka waabari

Dayaxoo janjeedhsaday
Iska soo horjeesteen
Maa ila jibaadaan
Ama ii jidh dabacdaan

Dayaxoo janjeedhsaday
Iska soo horjeesteen
Maa ila jibaadaan
Ama ii jidh dabacdaan
Ama ii jawaadaan
Markii la igu kiin diray

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Dadka oo bar jiifsaday
Juuqduna yaraatoo
Dhaxan jawla mooyee
Aan juuq iyo jaaq jirin

Dadka oo bar jiifsaday
Juuqduna yaraatoo
Dhaxan jawla mooyee
Aan juuq iyo jaaq jirin

Jagi jagi ciyaariyoo
Jaarkaygii maqanyahee
Kaligay jibaadaa
Jacaylkaa i jiitee

Jagi jagi ciyaariyoo
Jaarkaygii maqanyahee
Kaligay jibaadaa
Jacaylkaa i jiitee
Maxaa la iiga jaraya
Miyaan jiidh naxaya jirin

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Ileyni jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadiyo cadaabtaa
Wali kala dhex joogaa

Exit mobile version