Laba is jeceliyoo
Lamaanaha is doortaa
Marna lama labayniyo
Nuurka kuma haboonee

Laba is jeceliyoo
Lamaanaha is doortaa
Marna lama labayniyo
Nuurka kuma haboonee

Labxadii iyo maankiyo
Ala laabta kugu qoray
Labxadii iyo maankiyo
Ala laabta kugu qoray
Inay laba boglaysoo
Jacaylkii lamaanaa

Labxadii iyo maankiyo
Ala laabta kugu qoray
Labxadii iyo maankiyo
Ala laabta kugu qoray
Inay laba boglaysoo
Jacaylkii lamaanaa

Nacabkeenu laagtaa
Nabsigeedu moodaa
Nacabkeenu laagtaa
Nabsigeedu moodaa

Laalaab adoon galin
Inaan libinta gaadhniyo
Inaan laabta kaa jaro
Labadaa mid doodyee
Ligantaan ku daalyee

Laalaab adoon galin
Inaan libinta gaadhniyo
Inaan laabta kaa jaro
Labadaa mid doodyee
Ligantaan ku daalyee

Lahanshada naftaadiyo
Ayahaa la gama,yee
Ayabaali laab qudha
Laba ruux ma qaadee

Lahanshada naftaadiyo
Ayahaa la gama,yee
Ayabaali laab qudha
Laba ruux ma qaadee

Inta neef ka haliistiyoo
Kali kaysan hadimadu
Inta neef ka haliistiyoo
Kali kaysan hadimadu
Hiilaanyo igu kicin
Ama laba daraaruhuu

Inta neef ka haliistiyoo
Kali kaysan hadimadu
Inta neef ka haliistiyoo
Kali kaysan hadimadu
Hiilaanyo igu kicin
Ama laba daraaruhuu

Nafsi luqunta kuu gali
Oo ii laba lis caashaqa
Nafsi luqunta kuu gali
Oo ii laba lis caashaqa

Laalaab adoon galin
Inaan libinta gaadhniyo
Inaan laabta kaa jaro
Labadaa mid doodyee
Ligantaan ku daalyee

Laalaab adoon galin
Inaan libinta gaadhniyo
Inaan laabta kaa jaro
Labadaa mid doodyee
Ligantaan ku daalyee

Exit mobile version