nafkaa dhooftoo aan dhiman dhibaatuu leeyahoo
wakhtigu wuu dheeryohoo dhulkuna wuu kala fogyehee
dhaayuhu ma arkaan kolay naf meel dheer kaa jirtee
dhambaalada soo diroo dhagaha uun igala hadal

dhamaantood waaxihiyo dhiigaad ku abuurantohoo
dhabaan kugu jecelohoo hoy iyo aqalbaan dhisaa
dhakhsaan kuugu soo war celin

jacaylbay i dhalan rogoo hurdana dhaafoon ka tagay
habeen waan dheel madaa dharaartiina waan socdaaye
dhalaan nimadeeni baan axdiga wada dhiganayoo
dheeliga waan diidayaa dhankaaga ka foojignow

Exit mobile version