laba isu ddhigantoo
dhaqan ood wadaagiyo
dhadhan caashaq jirayo
laga dheehdo ayaynu nahay

dhalintaba kumaan arag
dhalad kuu dhigmaaye
laamo dhabi la moodyoow
qalbigaad ku dhigantee

dhaxalkii awoowiyo
dhawrsan hooyadaaba
dhaqankiyo hidihiibaa
dhudubkoodii taagtayoo
dhankastoo aan kuu dayaba
ishu kaama dharagtee
dhiinacayga ii joog

dhaayahaaga aragiyo
dhererkkaaga muuqiyo
midab soo dhalaala
mawlle kuu dhameeyee
kuma dhaafi karaye
dhuuxiyo wadnaha iyo
dhiigaad ku taala

dhudub iyo galaadiyo

dhaxan gaala weeyaan

dhulkii aan ku ababniyo

aqalkeena dhigistiyo

dhaabadiisu taalee

Exit mobile version