caku dhalan qurxooneey
dharaartaynu kulanaa
jacayl la ii dhameeyo
dhul intaan ku noolaa
dhaayahaygu may arag
inan wali dhigaagee
quruxbaa kugu dhamaatoo
dhakafaaray aniguye
ma dhashii suleekhiyo
dhiigii yuusuf baa tahay

caku dhaayahaygoow
amba way igu dhiganto
xiska kama dhamaatide
dhabta hooyo kuma qaban
mana dhalin adoo kale
ama wiil dhigaagee
sida tahay dharaar subax
cadceedoo dhag tidhibaa
dhiigayga kicisee
marna hayga dheeraan

waxaad iiga dhigan tahay
dhibicyaraha rooobko
intuu raasa biyo dhigay
dhagax buur ku da,ayoo
ubax dharab ku yaaliyo
dhirtu wali qoyaan tahay
quruxbaa kugu dhamaatoo
dhakafaaray aniguye
ma dhashii suleekhiyo
dhiigi yuusuf baa tahay

amba dhaayahaygoow
dhibku wuu igaadhoo
dhan kastaba jacayl wa a
dhuuxayga raacoo
dhamaan waaxyahaygiyo
dhiigaan wadaagnaa
sidaa tahay dharaar subax
cadcedoo dhag tidhibaa
dhiigayga kicisee
marna hayga dheeran

Exit mobile version