laba isu dhigantoo dhaqan ood wadaagee
dhamee caashaq jirayoo laga dheedo aynu nahay
dhalintaba kumaan arag dhalad kuu dhigmaaye
laama dhabi la moodyow qalbigaad ku dhigante

dhaxalkii awoowiyo dhawrsan hooyadaa iyo
dhaqankiyo hidihiibaad dhudubtoodii taagtoo
dhankastoo laguu dayo ishu kaama dharagtee
dhinacayga ii joog
dhaayahaaga aragee dhererkaaga muuqiyo
midab soo dhalaaloo mawla kuu dhameeyee
kuma dhaafi karayee dhuuxiyo wadnihiyo
dhiigaad ku taalaaye

dhudub iyo galaad iyo gaxan dhaala weeyaan
dhulkii aan ku ababniyo aqalkeena dhigistiiyoo
dhabadiisu taalee

Exit mobile version