saansaanta muuqiyo
inta saatir uumee
ku sugan aduunyada
kii ugu sareeyoow
sambabadiyo beerkiyo
wadnaha salkiiisaad
sabo aad u wacaniyo
saldhig aad ku leedee
sareediyo baraariyo
same aaan ku warnee
soo dhawoow macaanoow
sadrigaaga igu qabo

ma suuro kalgacalkuye
sakati waa u daran yahay
sina kuma ba,aayee
wuu sii kordhaayaa
kalgacaylkaad samaysaa
igu saaqday anigoo
adaan ku siloonoo
kugu sahwiyayaa
oo laabtayda sudhan
sareediyo baraariyo
same aaan ku warnee
soo dhawoow macaanoow
sadrigaaga igu qabo

Exit mobile version