Dhulka hooyo waa dahab
Waana dhaxal awoowaad
Waaxaan ugu dhimanayaa

Inuu dhaafo qayrkii
Dhibta iyo xumaha iyoo
Waxaa dunida dhacaaya
Rabbi uu moowle uu ka dhowraayee

Khaatumo weey dhaqaaqdoo
Dhabbihii wanaaggeey
Dhab u fuushay maantee
Udhawaada wadankiina
Ku dhawaada
Qurba joogay u dhawaada

Dhul aan dhoof kujoogiyo
Dhaqanada shisheeyaha
Waxaan uga dhex baxayaa

Dhaxalkaygu inuu jiroo
Oo aan dhallaanku iga dhumin

Waxaa dunida dhacaayana
Rabbi uu iga dhowraaye

Khaatumo weey dhaqaaqdoo
Dhabbihii wanaaggeey
Dhab u fuushay maantee
Udhawaada wadankiina
Ku dhawaada
Qurba joogay u dhawaada

Exit mobile version