Marbuu ku wanaajiyaa
Wakhtigu kuu hiiliya
Walaalkii kaa dhigaa
Sidii waqal kuu da,aa

Weedhaadana lagu qoslaa
Markaa tahay ruux la weyn
Weedhaadana lagu qoslaa
Markaa tahay ruux la weyn
Marbaad kala weecataan
Waayuhu cadow kuu noqdaa
Wacdiga aad iga fartaa
Marbuu wehel ku dhalaa

Aduunyooy waalaleey
Aduunyooy waayo badan
Warwareeg badanaa idhiyee
Fartiyo wadnaha fartiyo wadnaha
Fartiyo wadnaha isku qabo
Fartiyo wadnaha fartiyo wadnaha
Fartiyo wadnaha isku qabo

Waxgaradiyo waayo arag
Ruuxaana wanagaa ka maqan
Dantiisana wadi aqoon
Wadeecana daris u heli

Aduunkana waasac iyo
Warhaye ciil aan gurayn
Aduunkana waasac iyo
Warhaye ciil aan gurayn
In lagu warahaayo qabo
Warxumo wadii xumaa
Wareegahay ma adigaa
War li,i adigaa kufi lahaa

Aduunyooy waalaleey
Aduunyooy waayo badan
Warwareeg badanaa idhiyee
Fartiyo wadnaha fartiyo wadnaha
Fartiyo wadnaha isku qabo
Fartiyo wadnaha fartiyo wadnaha
Fartiyo wadnaha isku qabo

Exit mobile version