Sida beer moxagahoo
Mayraale ku jaloo
Mirka dhexe habeenkii
Inta uu gudgude miray
Mid walbaaba geedihii
Turuqdiisa maaloo
Mufsanaysa gayigii

Oo subaxdii maryaneey
Samaydooda muuqa leh
Intay wabatay milicdii
Maariin wirwira iyo
Asal midabkii yeeshay

Wacanaa muunadoodiiyo
Milicsiga il qabadka leh
Amaana waad mudatee
Markii aan ku dheehdaba
Naftu muxubo oydaa

Sida geed murcugahoo
Intuu MAWLE uumay
Lagu muday caryaaliyo
Balcad meel dhexdoodiyo
Lagu manaystay bilicdii
Sheedana ilmilicsiga
Ka dhex muuqdo geedaha

Oo madaxa guudka
Ubax ugu magoolee
Miro dhiin casaanoo
Dhanaaniyo macaanloo
Naftu muhatay yeeshay

Exit mobile version