Nacab iyo warxume wade
Ayaa i kaa nacsiyee
Naxli kugu abuuroo
Ina kala fogeeyee

Wadnahayga dhiigee
Waxa ka nuugayaa
Wadnahayga dhiigee
Waxa ka nuugayaa
Anuu igu nagaadoo
Inanaabinaayaa
Nasteexoooy nasteexooy
Ii dhago nugloow
Nasteexoooy nasteexooy
Ii dhago nugloow

Noolaba aduunyada
Wuxuu naawilayaa
Naxariista eebiyo
Nimca inuu ku waaree

Neecawda haysiyo
Waxa tahay naqa dayreed
Iyo nuur iftiimay
Indhuhu kugu nagaadaan
Nasteexoooy nasteexooy
Ii dhago nugloow
Nasteexoooy nasteexooy
Ii dhago nugloow

Exit mobile version