Shar iyo kheyr waxa wax qorana
Sharuud loo waa jiriyo
Yarkay shaki bixisa iyo
Sharcaa la isku aaminaa
Shidada guriga dulqaad
Ayaa kaa shaafiyee
Shakada caashaqa isfahan
Labada u shushubataybaa
Jacaylka shufaysatee
Shacniga quruxdiisa badan
Wixii shuush galin lahaa
Shar gudban dhe
Shargudban shaydaan xijaaban
Cayaar iyo shamal
la tumay
Sharaxu waa daaba ladan
Sacabka loo laba shubiyo
Cod iyo jibshibiiligligi
Hadaanay shabaabaxayn
Shanqadhu way liidataa
Kusharaf ruuxii ku jecel
Inaad ruux jira tuhuu kolay kuu sheegayaa

Exit mobile version