Inyar kaama maarmoo
Agjoogbaan isleeyahay
Amoolihii naftaydaay
Ilove you baybi
Ifkaan kuugu jecelahay
Saw aragtidaadii
Ubax ii barwaaqoo
Indha deeqa maad hayn
Inan adiga kula mida
Kuma arag aduunyada
Afar iyo tobnaadeey
Xidigtii arooryaad
Fartuun adiga mooyee
Dumar kale ma aamino
Dumar kale ma caashaqo
Onkodkoo hilaacoo arladii abaar tiray
Sida loogu oon baxo
Ayaan kuugu ololaa
Ifkaan kuugu jecelahay
Alihii ku uuma
Ii kaa asteeyoo
Edebtiyo xishoodkana
Ehelkoodii baa tee

Exit mobile version