hadiyad lama huraana ahee
adoo eegin xaajadu
halkay xanaf ku leedahay
xiligaan is weyniyo
wakhtigii naga xumaadaba
xaq ilaahow dhacayoo
xidigtaba kasoo tidhi
ana sidaa xilkaygii
xaruntii hadaan imid
adigoo xaqdhowrkiyo
wali xoorin samirkee
xamdi mahad ilaahay
xubigeena wada jiraa
imikaan xusaynaa
labaatan iyo guul
labaatan iyo guul
hadiyad lama huraan ahee
xidigtaan jeclaayeey
ku xambaaray aashiyo
xabadkeyga jiifeee
mid markaan xusuustaba
murugada xad dhaafkiyo
xiiso igubayeee
ana sidaa xilkaygii
xaruntii hadaan imid
adigoo xaqdhowrkiyo
wali xoorin samirkee
xamdi mahad ilaahay
xubigeena wada jira
imikaan xusaynaa
labaatan iyo guul

Exit mobile version