xidigtii haweenkee
xisku weheshanaayaay
xaasha lilaahiye
xumaan laga fogeeyaay
deeqaay waxaad tahay
xaliyo xaq dhowr iyo
xurmo loo dhameeyoo
ku xasilay agteedeee
iska xulanay dunidoo
xaaskaygii noqotee
xasad yuu nakala dilin
xiisihii kalgacalkana
cidlaha aan ku beertaay
xubi aan dhamaaniyo
xalaal ila wadaagtaay
xaqiiqdii axaad tahay
xuural cayn janadii
xulashadii dareenkee
ku xamdiyey ilaahay
iska xulanay dunidoo
xaaskaygii noqotee
xasid yuu nakala dilin
iska xulanay dunidoo
xaaskaygii noqotee
xasid yuu nakala dilin

Exit mobile version