waa ayaan farxadeed
waana lama ilaawaan
inantii aan jeclaa
uurkaygu tabaayay
abaayo macaan
ubax nuuray sidiisa
indhuhu tay ka heleen
mar hadaan is aroosnay
waa ILAAHAY mahadii

aqalkaan isla taagnay
asaaskii gurigeena
sidaad ii aqbashuu
intaan joogo aduun
abaal kuugu hayaaye
ILAAHAY ubad khayrle
ha ina siiyo udguune

aamiin aaamiin aamiin
ILAAHAY ubad khayrle
ha ina siiyoo

aragaaga qurxoon
asluubtaada wanaagsan
ixtiraam hadalkaaga
ul ku taala jacayl
aramuu igu beero
gabadhaha aynigaaga
adigaa u horeeyoo
ikhyaarbaa ku tilmaantoo
anba waan ogaaday

Exit mobile version