VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhul gariir - Lyrics

wadani dhaartaybaan ahay dhulka aynu leenahay waan ku dhaadanayaayo dhiiga wa u huraayaa dhaxalkii awoowgay dhurwaayadu cunaayaan kama dhuumanaayee waan ka dhiidhiyaayaan kuwa dhagarta galayee intu ciida kala dhigay cunada dhex dhigayoow wakhtigii dhamaaye cadceed dhalataybaan ahay dhaayihii dalkaan ahay dhidirkaan ku arkana marna dhaafi maaye yur dhabarkaan jabinayaa dhaqan laawayaashii ka dheeraaday diintow dhalanteedka beentiyo sheekadii dhamaate dhulka miyaad galaysaan dhamac iyo rasaas iyo dhinbiil baa idiin qoran dhiilada colaadiyo dhakafaarku waa kow kolay waa dhibkiinoo idinka dhaawaciina haday dhalatay nabadii ma cirkaad dhanbali runbaa soo dhawaatoo xaqiibaa dhalaalee dhagar qabaha muuqdow ma dhadhabyadad gali dadka kuwaa dhameeyoo dhiig yacab dhalaan cune idinkaa nabad ka dhaartee dhul gariir ma idinku dhacay
Queue is empty
-- / --