inta nool aduunyadan adaan kaa ishaartoo
aramida jacaylkaa i miraysa anigoo
iimaanka deeqdee
aayihii naftaydoow indhahayga nuurkiyo
aragtida wacnaayow kaan eeganaayoow
ma anigaa ilaawayo amaantaada inanyohow
ragba kaan ka doortow dookhaygii noqotee
iga dhawr wax yeelada
ifka aayatiinka le kii roon allahayow bushaarada
anbaqaadka nolosha le ii dhawr allahayow
ubaxii udgoonaa iisaaqay anig oogadayda oo idil

Exit mobile version