dadnimadaada quruxdiyo dabcigaaga wacanbaa
dahab aniga ii ahoo diiqadii baxshaad tahay
daa in qaadir weeyee dibin daabyo iyo ciil
daah adag lagaa saar
doonidii caashaqaa ila durugtoo tii dantaydii
ka gabshe dadka kaan ka doortow daganoow
ku donte dul qaad iyo samir ii lahaw
duufaanta duushiyo dabaylahaa isadatoo
duruufahay haysiyo ka daacad moodayoo
dantu ay tidhi u dul qaado abidkii cebtada weye

Exit mobile version