hoobeey hobayo hidooy
sooyaalka taxanaha
tusaalaha hablaha kacay
tii ugu horaysee
qurux taabo qaadaay

heelaloooy helayo helooy
lubigayga kama tiro
halka aad ku taaloo
tiiraan jabayn iyo
taalaad
ku leedahee

adaa tayo walaalnimo
iyo taran aduunyaba
baahidayda tiri kara

tilmaanta iyo heesaha
dareen lagu tix galiyana
adigaa ka talin kara

ha iga tagin anoo nool
waa tiiraanyadaydee
hana tiigsan ruux kale
qalbigaa ku tabayee

hoobeey hobayo hidooy
tiriig baxay timo haldhaa
toolmoontaan ku faanayaan
tabashadii naftaydaay
filka toban ka rooneey

heelalooy helayo helooy
igu taran kalgacalkii
ku talaalmay dhiigoo
igu tiixay laabtoo
oon wali taahaa

haani guntay ka tolantaa
mana tosoobo kalgacalkuye
taageeraan kaa rabaa

waa tabtaan filaayaye
halkaan dhigo talaabada
adna toobiyaha hay

Exit mobile version