haloow ma i maqlaysaa
hasaawihii sheekada
hadaladii macaanaa
soo hor joogsigaagaan
ku habaa naftaydee
haloow ma i maqlaysaa
ma hadhsado aduunyada
haybteeda noloshiyo
halkaan ku noolahay iyo
cidlaan hee haabayaa
hadaad adigu lagan tahay
ogow anigu maan helin
hamigaan lahaayiyo
waxaan hiigsanaayee
halkeed maanta joogtaa
huq iyo nabaraan qabaa
hamuunta kalgacalka iyo
haraadkii igama bi in
halkaad iga jirtaabay
ogow dhaxani iga haysaa
calafkii rajadaan helay
hadana waayoo lumay
hadaad maqasho ereyadaa
huunooy iisoo jawaab
waligaa ha murugoon
ha miciinsan cadawgaa
hantidii jacaylkaay
halka aad ku nooshahay
ha ka tagin aduunyada
qofkale hiil kamaan sugin
galad iyo cayaaraha
hortaadaan ku heesaa
hinqadaa fadhiistaa
oheey humaag beenaan arkaa
by masuul.com