mililco jacayl
naftu maalin qudha
kaama maarantee
sida mawjadbaad
maankayga iyo
maskaxdiyo qalbiga
dhex muquurtayoo
ugu maqantahee
meeshaad ku taal
aan muuujiyee
ruux iga midoo
aan muuqan baad
macaanoow tahee

muxibada kalgacal
naftu maalin qudh a
kaama maarantee
waxaan kugu matalay
midna iila tahay
mayay soo di,iyo
maax iyo xareed
mawluhu shubee
meeshaad ku taal
aan muujiyee
ruux iga midoo
aan muuqan baad
macaanoow tahee

Exit mobile version