dookhiyo kalgacalkoo hadaad dacar i leefsiisay
inaad duul iblays tahay hadaad diiday nabadiina
bal maxaa igu kaa diray hadaad ila dagaalayso
halkaan ka dan yeeshaba hadaad dadab u guurayso
dib inaanan kuu arag hadaan dhaar ku dabag siiyay
ka daabay ileeyihiin aniga qaar la ii diray
ana doogtii horebay hadeer meel i damaqdaaye
dar darbaan ka qaadaaye cishqigu meel fog buu
dagaye
dayrtiyo xagaagaii hadaan midi i daawaynin
oo gugu haduu da o aniga oonku igu daynaynin
oo diifta aan qabo cidina daalka iga rebeynin
oo damacu waalane naftani doonyo raranayso
dan inaan la ii haynin hadaan daawasho u joogay
oo duuba tuurbaan anigu soo diyaarsaday

Exit mobile version