Dunidaba dhamaanteed
Hadaan dooq ba uu jirin
Calaf iyo dugsiin iyo
Jaceyl daadaheyn jirin
Dadku ma uu tarmaadeyn

Dulucdeydu waxey tahy
Mataanahan is doortaye
Sidi ul iyo diirkeed dugaal
Isu ahado dadb galay cawada

Adinkuna dad weynoow
Sacabkiyo durbaankiyo
Dheel iyo mashxaradiyo
Farxadiyo damaashaad
Guurkoodan guurkoodan
Guurkoodan ugu dara

Laba caashaq isku dara
Damqashana kawada siman
Kalgaceyl qalbiga dagay
Sida Asma iyo Maxamed
Ayaa nolol diyaarshee

Daa'imow Allahayow
Caruur daadax oo ladan
Dulqaad iyo dadaalo
Daryeelo oo dadkood jacel
Mataanahaan ugu Deeq

Idinkuna dad weynow
Sacabkiyo durbaankiyo
Dheel iyo mashxaradiyo
Farxad iyo damaashaad
Guurkoodan guurkoodan
Guurkoodan ugu dara.

Lyrics: by Abdi deeq

Exit mobile version