Maxaan samir iyo dulqaad
Qalbiga sahay uga dhigoo
Intaan sakatida qarsaday
Samaanta u muujay uunka

Sadrigu ruux uu tabaayo
Sadkani maqanu filaayo
Sahwiga wuu igu dilaaye
Sadaashu hadmay dhaboobi

Ilayn suulo caashaqi
Naftaydani la igu sidke
Kashayda ku soohanaa
Cakuye sahal kuma ba'oo
Tabtaan ahay waa sidaa

Maxaan samo iyo wanaag
Ku sooray jacaylka oo
Adiga subax iyo habeen
Sarbeeb kuugu waayo sheegtay

Hankayga adaa sitoo
Adaa ku samaysmay beerko
Dareen xubiga aan sidoo
Hadmaan sabo wada dagnaa

Exit mobile version