jacayl faayaha fariin ugu yimid
jacayl faraj qaba jacayl ibo furan
jacayl faalalay jacayl igu filan

fooladka labkow adaa igu filan
jacayl fulkiiyow xiskaa kugu falan
adaa farxadiyo fanfaan iga mudan

fariid dhaqasho le intuu fali jiray
adoo fuliyoo adoo igu filan
mooyee ficil kale walee maba filan

anaa u fasaxay in caashaq u fido
anaa kas u faray inuu falaxsado
intaan fulayana farbaan u xidhay

halyay kula fila gayaan kama filan
midkaa waji furan hortaa lama fiqin
facaana ma jiro mid kaa faro badan

Exit mobile version