laba calaf wadaagtaa
cakuye waxyaaliyo
wajah karah le mooye
kala waayaan xiisaha
waanwaan jacayl ma le

sidaan ku wanaagsanayn
miyuu diiday waayuhu
nasiibkii wacnaan jiray
xageebuu warab ka leeyahay
ayaamaha wakinayaa
miyay wada jirkeeniyo
nolosheena wadarnimo
cakuye waxyeeleen

guurkeenan wayda ahe
wixii is gaf garad ahaa
xurmo li'i ma wiiqmeen
hadii aan walaac iman

laba nolosha weel qudha
ku wadaagi jiray abid
inkastooy is waayan
nasiib wiiqayba yimid
inay wada jiraan abid

nimaan i wanaajinayn
hadana iga weecanayn
miyuu calafku wehel
wehel iiga dhigay ani
ayaamaha wakinayaa
miyay wada jirkeeniyo
nolosheena wadarnimo
cakuye waxyeeleen

Exit mobile version